Qaraxyo ka dhacay Baydhabo iyo wararkii ugu dambeeyay
BAYDHABO- Qaraxyo oo mid kamid ah uu Ismiidaamin ahaa ayaa maqrabnimadda Sabtida waxay ka dhaceen bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed, sida warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen masuuliyiinta amniga.
Qaraxa koowaad oo ahaa mid loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa lagu gannay Hoteelka Bilan oo ku yaala bartamaha caasimad KMG ah ee MG Koonfur Galbeed, halka midka labaad oo uu fuliyay ruux naftiis hure ahaa uu ku beegsaday Maqaaxidda Beder.
Labo goobood oo ay ka dhaceen Qaraxyadda oo dhowr kilometer isku jira ayaa waxaa durba soo gaarey meesha ay wax ka dhaceen hay'adda amniga iyo Gaadiidka gurmadka deg deg ah, kuwaasi oo bilaabay daabulida dhaawacyadda qaraxyaddu sababeen.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo lixaad leh ayaa laga cabsi qabaa inay qaraxyaddu keenan, maadaama xiliga ay dhaceen ay goobahaan ahayd mid mashquul ah, sida uu warsidaha GO u sheegay Afhayeenka Koonfur Galbeed, Nuuradiin Gacma.
Mr Gacma ayaa ka gaabsaday inuu bixiyo fahfaahin dheeri ah oo ku saabsan qaabka uu uu qaraxo u dhacay iyo cidda ka dambeysay, isaga oo tibaaxay inay dib kasoo sheegi doonan macluumaadka saxda ah iyo waxyeeladdu qaraxu sababay.
"Wali waxba makala caddeyn karo. Balse, waxaan kuu sheegi karaa inay dhaceen Qaraxyo uu mid ahaa bomb gacmeed lagu tuuray Hoteelka Bilan. Iyo qaraxyo kale oo lagu beegsaday Maqaaxida Beder. Waxaa suuragal in midka Beder uu ismiidaamin ahaa, Khasaaro kuuma sheegi karo," ayuu yiri Afhayeenka.
Goobjoogayaal kala duwan oo la hadlay warsidahaan ayaa u sheegay inay arkeen meydadka afar qof oo shacab ah, inkasta oo tiradda dhimasha laga baqdin qabo inay intaas kasii korodho, maadaama xaddiga qaraxu uu ahaa mid aad u culus.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan, balse inta badan Koonfurta Soomaaliya waxaa falalka noocaan ah ka geystay Kooxda gacan-saarka la leh Shabakadda Al-Qaacidda ee Al-Shabaab, taasi oo degaanada Koonfur Galbeed ku xoogan.
Qaraxaani ayaa kusoo aadaya xili degaanada Koonfur Galbeed ay kusoo food-leedahay doorasho, taasi oo murashaxiinta qaybyta ka ah uu ku jiro Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaasi oo Al-Shabaab horey uga soo noqday Afhayeen iyo Hogaamiye ku xigeen.
Weeraradaan ayaa imaanaya xili Galabta oo Sabti ah lagu waday inuu magaalada ka qabsoomo kulan lagu taageerayey murashaxnimada Roobow, inkasta oo aanan illaa iyo haatan la hubin hadii goobta uu ay u qorshaysnayd mid kamid ah meelaha la beegsaday.
Xoogaga Al-Shabaab oo horey uga hadashay murashaxnimadda Roobow ayaa cod dheer ku sheegtay inuu mudan yahay "In la dilo" maadaama sida ay hadalka udhigeen inuu "riddiyey", inkasta oo uusan illaa iyo haatan wax jawaab ah kasoo bixin.
GAROWE ONLINE