Qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax Ismiidaamin ah ayaa xilli kala duwan maanta ka dhacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, gaar ahaan degmada Xamar Weyne iyo  Warshada Nac-naca ee degmada Wadajir.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay GO in nin ku lebisan dareeska ciidan, oo isku soo xiray walxaha qarxa uu xoog ku galay saldhig lagu tababaro ciidamada dowladda Federaalka Somalia.

5 askari ayaa ku dhintay weerarkaas, waxaana ku dhaawacmay 15 kale.

Dhinaca kale, wararka naga soo gaaraya Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax kale uu ka dhacay Isbitaalka Martiini.

Wuxuu ahaa miino lagu xiray baabuur uu watay nin katirsanaa shaqaalah wasaaradda waxbarashada dowladda Federaalka Somalia.

Dhaawac culus ayaa kasoo gaaray qaraxaasi Cabdulqaadir cusmaan Faarax (Dr-Yare) oo la sheegayo inay  go’een labada Lugood .

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane, ayaa xusay in  xaaladda Shaqsigaasi ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada ay aad u culus tahay.

“Cabdulqaadir Cusmaan Faarax (Dr-Yare) kana mid shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ayey gaarigiisa miino ugu xireen waana dhaawac lugaha ayaa ka go’ay ” Ayuu yiri Xalane.

Qaraxan ayaa kusoo aaday xilli shalay in ka badan 15 qof ku dhinteen weerar ka dhacay nawaaxiga xarunta Gaashaandhigga Somalia, kadib markii Qarax lala eegtay kolonyo uu la socday Taliyaha ciidamada xoogga dalka, balse wuxuu heleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM