Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qarax oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa maanta oo Jimco ah ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay duhurnimadii maanta Bar Koonatrool oo ku taalla meel ku dhaw Isgoyska KM4, oo aadda dhanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle, halkaasi oo Ciidamo katirsan NISA ay ku sugan yihiin.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in ninkii wadey Gaari oo kaliya uu ku dhintay qaraxa kaasi oo is qarxiyay kadib markii loo diiday inuu goobta ka gudbo. Saddex Askari oo NISA katirsan ayaa la sheegay inay weerarka ku dhaawacmeen.

Saacad kadib, qarax kale oo Gaari ah ayaa ka dhacay Bar Koontrool oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Wadada Seybiniyaanno, oo ku dhaw Isgoyska Banaadir.

Gaarigan oo ay la socdeen saddex qof ayaa isku dayay inuu xoog uga gudbo Barta Koontarool, iyadoo Ciidamada ay toogteen dadkii saarnaa, kadibna uu sidaasi ku qarxay gaariga.

Inta la xaqiijiyay labo Askari oo Ciidamada NISA katirsan ayaa ku geeriyooday qaraxa, marka lagu daro saddexda Al Shabaab waxay ka dhigaysaa khasaaraha qaraxa dambe guud ahaan 5 qof.

Weeraradan oo Al Shabaab ay sheegatay ayaa u muuqday kuwa lala damacsanaa in maanta lagu beegsado xaruumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho, balse laga hortagey.

Maanta oo Jimco ah waxaa xiranaa wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, waxaana ujeedka lagu sheegay in wadada Maka Al-mukarama lagu qabanayo Tartanka Orodka gaaban (Mini Marathon). 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM