Qaraxyo kale oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qarax oo sababay khasaarooyin kala duwan ayaa saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Labada qarax oo ahaa miinooyin ayaa midka hore wuxuu ka dhacay Isgoys ku yaalla Xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile, kaasi oo lala eegtay Gaari nooca raaxadda, ee loo yaqaano CARIB.

Ugu yaraan labo ruux, oo mid kamid ah yahay Askari ayaa ku geeriyootay qaraxa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saddex kale oo shacab ah, kuwaasi loola cararay xaruumaha Caafimaadka Muqdisho.

Wax yar kadib, qarax kale oo isna loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay Wadadaa Warshadaha ee magaalada, kaasi oo Saraakiisha amaanka ay sheegeen inuusan geysan wax khasaaro ah.

Ciidamada dowladda ayaa gaarey goobta, oo xiray jidka Warshadaha, iyagoo sameeyay baaritaanno culus oo aan cidna lagu soo qaban waxaana markii dambe dib u fureen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada labada qarax, oo dhacay maalin kadib markii qarax Gaari uu 5 ruux ku dilay banaanka dhisamaha Wasaaradda arrimaha gudaha ee ku yaalla Isgoyska Sayidka.

Weerarada qaraxyada ah ayaa kusoo badanaya mudooyinkii dambe magaalada Muqdisho, xilli uu jiro khilaad siyaasadeed oo xooggan, islamarkaana Madaxda sare ee dalka ay ku mashquulsan yihiin Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Cismaan Jawaari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM