Qaylo-dhaan laga soo saaray xaalad ka taagan Buula-burde

Image
Magaalada Buula-berde waxa go'doomiyey sagaalkii sano ee ugu dambeeyey ururka Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, abaarta ka jirta Soomaaliya waxaa la diiwaan-geliyay in ay ku barakaceen in ka badan 800,000 oo qof, kuwaas oo u badnaa bulshada xoola dhaqatada ah iyo kuwa beeraleyda ah. Arrintan ayaa uga sii dartay bulshada nugul oo markii hore la tiicayey xaalado amni xumo iyo mid bini-aadanimo.

Iyada oo ay magaalooyinka qaar ay ku jiraan xaalad go'doomin ah, ayaa haatan waxaa ugu sii darsamay qulqulka barakacayaasha ka soo cararaya abaaraha daran ee ka jira dhulkii ay deganaayeen, kuwaas oo raadinaya meelo ay ku badbaadaan.

Axmed Mahad Nuur, Guddoomiyaha Buulo Burte oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka Nolosha ah ay ka jirto Magaaladaas kaddib markii xoolaha intooda badan baabi’isay Abaarta, halka la waayay dallagii kasoo go’i jiray beeraha.

“Abaarta saameyn weyn ayay ku yeelatay Magaaladaas oo muddo go’doonsan, Xoolo dhaqato & Beeraley ayaa degen, macluul badan ayaa ka jirta, Ganacsiga Xooggiisa waxa u ku yimaadaa diyaaradaha oo 4 maalin yimaada, Dadka deegaanka waxaa kusoo barakacay oo dulsaar ku noqday qoysaskii degenaa Tuulooyinka oo Xoolo dhaqato u badan” ayuu yiri gudoomiyaha

Axmed Mahad, Guddoomiyaha Buulo Burte ayaa Dowladda Cusub ee Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in ay si gaar ah uga warqabto xaaladda adag oo ay wajahayaan Dadka kunool Magaaladaas.

“Dadka Deegaanka ah oo ahaa Xoolo dhaqato, Beeraley & Xoogsato waxaa joogsaday shaqooyinkaas, Dowladda cusub ee Soomaaliya waxa aan ka sugeynaa in ay wax ka qabata dhibaatooyinka ka jira Buula burte, rajo ayaan ka qabnaa Maadaama Madaxweynaha uu magacaabay Ergay u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada waxa aan ka codsaneynaa in uu wax ka qabto abaartaan taagan” Ayuu yiri Guddoomiyaha Buulo Burte.

Magaalada Buula-berde waxa go'doomiyey sagaalkii sano ee ugu dambeeyey ururka Al-shabaab, waana meelaha ugu daran ee haatan ay abaaruhu u saameeyeen sida ugu adag. Magaalada oo markii horeba la tiicaysay qiimaha sarreeya ee raashinka, ayaa haatan waxaa ugu darsamay inay magaaladu martigelinayso barakacayaal tiro badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM