QM oo dalbatay in lasoo qabto ragii shaqaalaheeda ku dilay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay dil fiidnimadii Jimacada mid kamida shaqaalaheeda loogu geystay magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Maxamed Cabdi Khayre oo kamid ahaa ilaalida qaaska ah ee xafiiska Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ee magaaladdaasi ayey dabley dishay isaga oo kasoo baxay Masjid, siday xaqiijiyeen dadka degaanka.

Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkaasi lagu naf-gooyey Khayre, kaasoo isbitaal loola cararay balse lasoo wariyey in uu ugeeriyooday dhaawacyo daran oo soo gaarey.

"Waxaan u baroor-diiqeynaa gaariga Mr Khayre, kaasoo ka tirsanaa waaxda badbaadda iyo amniga ee Ururkeena," ayaa lagu yiqi war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska UN-ka ee Soomaaliya.

Laamaha amaanka Gaalkacyo oo dilka kadib sameeyay howlgalo ayaa nan jirin cid ay u soo qabtaan falkani.

"Waxaanu codsaneynaa in lasoo qabto dableyda mas'uulka ka ah dilkan foosha xun ee lagula kacay saaxiibkeena kaasoo naftiisa u horey si uu u ilaaliyo saraakiisheena Gaalkacyo," ayaa lagu daray bayaanka.

Gabagabadii, Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaadey in ay murugada la qayb-saneyso qoysaska uu ka baxay marxuum Khayre, kaasoo goor-sii horeysay oo maanta oo Sabti ah la aas-aasey.

War-saxaafadeedkan ayaa yimid markii saraakiil ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ay tageen Gaalkacyo, iyaga oo la kulmay madaxweyne Xaaf kalana hadlay sidii amniga sare loogu qaadi lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM