QM oo eedeyn culus u jeedisay dowladda Federaalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin cusub oo ay soo saartay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka xayiraadaha saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku eedaysay dowladda Federaalka in aysan si fiican u maamulin ilaha dhaqaale ee dalka.

Inkasta oo ay amaan kooban oo ah inay DF dib u habayn ku sameysay hanaanka dhaqaalaha ka heshay hay’addaha caalamiga ah ee Dhaqalaaha, hadana dowladdu caalamku taageero ayaa la dagaalameysa musuq-maasuq ka jira Wasaaradaha Xukuumadda.

Warbixinta UN Monitering Group waxay tooshka ku ifisay inay wax isdamarin baahsan ay ka jirto wasaaradaha Gaadiidka iyo Badda, Duulista Hawada iyo Arrimaha Diinta, si lamid ah, maamulka gobolka Banaadir.

Wasaarada Maaliyadda ayaa lagu eedeeyay musuq-maasuq kadib markii lacag $5,000 [Shan Kun oo dollar] oo aan mushahaar iyo qoondo toona ahayn ay u qeybisay Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya bishii May ee 2018.

Khamiistii, 15-ka November, Gollaha Shacabka wuxuu meel-mariyay ku noqoshada miisaaniyada dowladda oo lagu soo daray 22.5 milyan oo Dollar, oo dhalisay shaki iyo su’aalo ku aadan in aanu ku jirin miisaaniyadii horey loo ansixiyay.

Bishii December 2017, Mareykanka ayaa joojiyay taageerada dhinaca saadka iyo cuntada ee uu siin jiray ciidamada xooga dalka, sababo ku aadan musuq-maasuq, taasoo dharbaaxo ku ah qorshaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Guulaha dhinaca maaliyada ee dowladda ayaa hoos u dhacay kadib markii xabsi la dhigay mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradaha Gargaarka iyo Wasaarada Maaliyadda kuwaasi oo lagu soo eedeeyay xatooyo hanti dadwayne.

Intaas waxaa dheeri, in labo wasiiro ku xigeeno oo xukuumada Khayre ka tirsan dhowaan shaqadda laga joojiyay markii Xafiiska Hanti-dhowrka uu kusoo oogay dacwad la xiriirta musuq-maasuq iyo lacag dhaqidda.

Wax yar kadib markii la magacaabay sanadkii hore, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre wuxuu balanqaaday in xukuumadiisa ay la tacaali doonto musuq-maasuqa, balse balan-qaadkiisa hadda u muuqda mid fashilmay.

Sida laga soo xigtay hay’adda daahfurnaanta caalamka, Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka adduunka ugu musuq-maasuqa badan, halkaasi oo saraakiisha dowladda ay laaluush iyo ficilo sharci daro ah ay u sameeyaan si ay kuraasta u daafacdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AUSSOM oo loo raadinayo $1 billion si howlgalka Soomaaliya u fuliyo

Haddii Burundi ay dhab ahaan ka baxdo, Soomaaliya iyo dalalka kale ee ku jira hawlgalka ayaa wajahaya xaalad adag oo ku saabsan sugidda ammaanka dalka.

  • Soomaliya

    27-04-2025

  • 07:28AM

Museveni: Soomaaliya waxay u baahan tahay taageeradii la siiyay Uganda xiligii Idi Amin

Shirweynahan ayaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda kale ee Afrika, oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 01:13PM