Qodobada Dastuuriga ah ee ku xeeran xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 92 Xilldhibaan, oo ka tirsan Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sxiixay mooshin xilka qaadis oo ka dhan ah Madaxwayne Farmaajo, kaasoo loo gudbiyay Gudoomiye Maxamed Mursal.

Xildhibaanada ayaa ku saleeyay gudbinta Mooshinkooda Shan [5] oo aad uculus, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Dhiibista Qalbi Dhagax, ku xad-gudubka Dastuurka, Xeerka ciqaabta ciidanka Soomaaliya iyo gelida heshiis qarsoodi ah.

Iyadda oo ay tani jirto ayaa shir jaraa’id waxaa qabtay ku xigeenadda Mursal, kuwaasi oo sharci darro ku tilmaamay xili ay wehliso in Sharci-dejiyaa qaar ay sheegeen in Mooshinka oo ay kasoo muuqdeen aanu waxba kala socon.

Dastuurka qabyo qoraalka ah ee uu dalka leeyahay, waxaa ku xusan afar qodob, kuwaasi oo soo koobeysa qaabka xilka looga qaadi karo Madaxwaynaha iyo sida ay ku dhacayso nidaamkaasi.

Qodobka 1aad, wuxuu xeerinayaan in soo jeedinta xilka qaadista Madaxwaynaha ay soo jeedin karaan mudanayaasha Gollaha, iyaga oo bad-dhig kaga dhigaya; khiyaano qaran, xad-gudub culus oo dastuurka ah iyo sharciyada kale ee dalka.

Qodobka 2aad, ayaa dhigaya in si loo hor-geeyo Fadhiga Gollaha wuxuu ubaahan yahay Mooshinka saddex dalool hal [1/3] oo kamid ah mudanayaasha, kahor inta aysan kala caddeyn eedaynta Madaxwaynaha Maxkamada Dastuuriga ah.

Qodobka 3aad, ayaa qeexaya in si looga qaado Madaxwaynaha xilka loo baahan yahay saddex dalool labo [2/3] oo labadda Aqal ee Baarlamaaka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qodobka 4aad, midka ugu dambeeya, hadii ay dhacdo in Madaxwaynaha xilka laga xayuubiyo waxaa jagada sii hayna Afhayeenka Baarlamaanka, muddo ku siman 30-cisho, oo doorashada lagu qaban-qaabinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM