Qodobada Dastuuriga ah ee ku xeeran xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 92 Xilldhibaan, oo ka tirsan Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sxiixay mooshin xilka qaadis oo ka dhan ah Madaxwayne Farmaajo, kaasoo loo gudbiyay Gudoomiye Maxamed Mursal.

Xildhibaanada ayaa ku saleeyay gudbinta Mooshinkooda Shan [5] oo aad uculus, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Dhiibista Qalbi Dhagax, ku xad-gudubka Dastuurka, Xeerka ciqaabta ciidanka Soomaaliya iyo gelida heshiis qarsoodi ah.

Iyadda oo ay tani jirto ayaa shir jaraa’id waxaa qabtay ku xigeenadda Mursal, kuwaasi oo sharci darro ku tilmaamay xili ay wehliso in Sharci-dejiyaa qaar ay sheegeen in Mooshinka oo ay kasoo muuqdeen aanu waxba kala socon.

Dastuurka qabyo qoraalka ah ee uu dalka leeyahay, waxaa ku xusan afar qodob, kuwaasi oo soo koobeysa qaabka xilka looga qaadi karo Madaxwaynaha iyo sida ay ku dhacayso nidaamkaasi.

Qodobka 1aad, wuxuu xeerinayaan in soo jeedinta xilka qaadista Madaxwaynaha ay soo jeedin karaan mudanayaasha Gollaha, iyaga oo bad-dhig kaga dhigaya; khiyaano qaran, xad-gudub culus oo dastuurka ah iyo sharciyada kale ee dalka.

Qodobka 2aad, ayaa dhigaya in si loo hor-geeyo Fadhiga Gollaha wuxuu ubaahan yahay Mooshinka saddex dalool hal [1/3] oo kamid ah mudanayaasha, kahor inta aysan kala caddeyn eedaynta Madaxwaynaha Maxkamada Dastuuriga ah.

Qodobka 3aad, ayaa qeexaya in si looga qaado Madaxwaynaha xilka loo baahan yahay saddex dalool labo [2/3] oo labadda Aqal ee Baarlamaaka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qodobka 4aad, midka ugu dambeeya, hadii ay dhacdo in Madaxwaynaha xilka laga xayuubiyo waxaa jagada sii hayna Afhayeenka Baarlamaanka, muddo ku siman 30-cisho, oo doorashada lagu qaban-qaabinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM