Qodobada muranka dhaliyey ee ku jira sharciga cusub ee doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyey sharciga doorashooyinka oo wax ka bedel lagu sameeyay. Tani waa talaabo dalka u horseedi karta doorasho qabsoonta horaanta 2021-ka.

Xeerkaan oo ka kooban 61 qodob oo ku qoran 39 bog ayaa loo gudbin doonaa baarlamaanka si ay ugu sameeyaan akhrin kahor inta aysan cod u qaadin, isla markaana madaxweynuhu qalinka ugu jiidin.

Qodobka ugu xiisaha badan ayaa ah mid xeerinaa suurtogalnimada in dib loo dhigo doorashada "hadii ay yimaadaan daruufo adag" iyada oo Xildhibaanada hadda jira ay sii shaqeynayaan.

Intaasi waxaa wehlisa in madaxweynaha dowladda federaalka ah uu mudada kororsi sameynsan karo illaa iyo "daruufaha adag" ay ka dhamaanayaan.

Sidda ku cad sharciga, "daruufaha adag" ayaa ah "amni daro baahsan, masiibooyinka dabiiciga ah, sida dhulgariir, cudurrada la is qaadsiiyo, abaaro, daadad, duufaanyo iyo macluumaad kale oo lagu sheegay musiibo qaran".

Qodobadaan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ay ka gadoosan yihiin madaxda maamul goboleedyadda Jubbaland, Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo gebi ahaanba qaadacay xeerkani oo Khamiistii soo baxay.

Hoos ka akhriso qodobada oo fahfaahsan

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM