Qodobada muranka dhaliyey ee ku jira sharciga cusub ee doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyey sharciga doorashooyinka oo wax ka bedel lagu sameeyay. Tani waa talaabo dalka u horseedi karta doorasho qabsoonta horaanta 2021-ka.

Xeerkaan oo ka kooban 61 qodob oo ku qoran 39 bog ayaa loo gudbin doonaa baarlamaanka si ay ugu sameeyaan akhrin kahor inta aysan cod u qaadin, isla markaana madaxweynuhu qalinka ugu jiidin.

Qodobka ugu xiisaha badan ayaa ah mid xeerinaa suurtogalnimada in dib loo dhigo doorashada "hadii ay yimaadaan daruufo adag" iyada oo Xildhibaanada hadda jira ay sii shaqeynayaan.

Intaasi waxaa wehlisa in madaxweynaha dowladda federaalka ah uu mudada kororsi sameynsan karo illaa iyo "daruufaha adag" ay ka dhamaanayaan.

Sidda ku cad sharciga, "daruufaha adag" ayaa ah "amni daro baahsan, masiibooyinka dabiiciga ah, sida dhulgariir, cudurrada la is qaadsiiyo, abaaro, daadad, duufaanyo iyo macluumaad kale oo lagu sheegay musiibo qaran".

Qodobadaan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ay ka gadoosan yihiin madaxda maamul goboleedyadda Jubbaland, Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo gebi ahaanba qaadacay xeerkani oo Khamiistii soo baxay.

Hoos ka akhriso qodobada oo fahfaahsan

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM