Qof Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada oo xukun lagu riday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Axad ah xukun ku riday qof lagu eedeeyay inuu kamid yahay Kooxda Al-Shabaab.

Muuse Maxamed Axmed, ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah kadib markii ay ku cadaatey inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka qaraxyada, isagoo ka howlgali jiray gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka ayaa ku qabtey Muuse magaaladda Marka horaantii 2019 xilli uu ka yimid degaanka Janaale, oo Al-Shabaab ay maamusho, waxaana xiligaasi uu watay walxaha qarxa oo uu kusoo qiray caag uu kusoo shubay walxo dareere ah [Subag].

Xukunka lagu riday Muuse waxaa ku dhawaaqay Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale shaaciyay in ninkan uu u furan yahay rafcaan mudo 30 cisho ah.

Inta badan dadka ay Maxkamadda ciidanka dowladda xukunada kala duwan ku rido, kuna fuliso dilalka waxaa u badan dadka laga tirada badan yahay, iyadoo ay jiraan shaqsiyaad horey dilal loogu xukumay, oo aan wali la toogan, kuwaasoo qaarkood aan la hubin inay xabsiga ku jiraan.

Hay'adaha caalamiga ee xuquuqda aadana ayaa aad u dhaliilay nidaamka cadaaladda dowladda Federaalka iyo sida ay ugu degdegto dilalka dhalinyaro badan oo ay xag-jiraysay Kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo aan la siinin fursad labaad, oo uga soo noqon karaan fekerka argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM