Qof lagu qabtay garoonka Muqdisho oo laga baarayo Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay baaritaan iyo hubin dheeraad ah ay u dirtay muwaadin laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Ruuxan aan la shaacin magaciisa oo maalin kahor ka yimid Shiinaha ayaa laga hubinayaa caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Dhacdadaan ayaa maanta oo Talaado ah laga soo wariyey madaarka Aadan Cadde, sidda ay xaqiijisay Wasaarada Caafimaadka.

Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, oo wasaaradda u qaabilsan cudurka, ayaa meesha ka saarey in shaqsiga looga shakisan yahay xanuunka, balse ay goosteen in ay hubin dheeraad ah ku sameeyaan.

"Muwaadinka wuu caafimaad qabaa, ma jirto wax calaamad ah oo ka muuqda, kaliya wuxuu marayaa hubinta caafimaad ee kaliya loo baahan yahay," ayuu u sheegay warbaahinta gudaha.

Sidda uu ka dhawaajiyey Cabdirisaaq, diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa kasoo qaadey China kahor inta uusan maalin kusoo hakan Addis Ababa, halkaasoo uusan kusoo marin habraacii hubinta.

Maamulka shirkada duulimaadka Itoobiya ayuu ku dhaliilay in ay hareer-mareen nidaamkii ay u dejiyeen oo ahaa in aysan dalka soo gelin rakaab ay kasoo qaadeen wadamada laga helay xanuunkaas.

Soomaalida ku nool qaramada laga xaqiijiyey cudurkaas dilaaga ah ayuu cod dheer ugu booriyey in ay ku negaadaan goobahooda.

Qofka haatan hubinta dheeraadka ah loo diray ayuu hoosta ka xariiqay in ay goob gaar ah ku hayn doonan laba todobaad isla markaana kadib uu awood u yeelanayo in uu banaanka u soo baxo.

"Markii aanu qabanay heer-kulkiisu wuxuu ahaa 36, waa xaalad caadi ah, balse waxaan eegi doonaa berri iyo wixii ka dambeeya," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Dr Cabdirisaaq.

Coronavirus, oo si fudud u faafi u og, ayaa ruuxa jirkiisa ku jira kara todobaad iyaddoo aysan kasoo muuqan astaamaha lagu garan karo, inkastoo badbaadista qofkaas ay ku xeran tahay habka difaaca shaqsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Shiinaha oo markab dagaal usoo diraya Soomaaliya

Shiinaha ayaa waxa uu doonayaa in maraakiibtiisa ay ka hortagaan weerarada dheeraad ah ee la filayo in ay ka yimaadaan burcad badeedda.

  • Soomaliya

    02-11-2024

  • 05:44AM

Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo safar qarsoodi ah ku tagey Muqdisho

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay bishii Oktoobar markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku biiray shir madaxeedkii Asmara.

  • Soomaliya

    01-11-2024

  • 01:54PM