QoorQoor oo Baydhabo geeyay dhambaal uu ka sido Xasan Sheekh

Image
Hogaamiyaha maamulka Galmudug ee QoorQoor ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada ku meelgaarka Koonfur Galbeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa hogaamiyaha Galmudug ee QoorQoor waxa uu ergo ahaan ugu dirsaday Baydhabo si uu dhigiisa Koonfur Galbeed Laftagareen ugu qanciyo in uusan qaban doorasho, sidda illo wareedyo u sheegeen Garowe Online.

Laftagareen ayaa maalmihii dambe waxa uu waxa uu wadday olole uu doorasho u gaar ah ku qabsanayo ka gadaal markii Villa Soomaaliya ay muujisay ifafaalo ay ku abaabuleyso mucaaradka maamulka Baydhabo.

Sikastaba ha ahaatee, su’aal badan ayaa ku wareegsan sidda QoorQoor daacad uga noqon karo fariinta uu ka sido Xasan Sheekh maadaama saaxiibada madaxweynaha Soomaaliya ay dhankooda muujiyeen in ay damacinayaan hogaaminta Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM