Qorshe loo dejiyay weerarada Al-Shabaab ee Bish Ramadan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa shaaciyay inay billaabeen qorshe cusub, oo ay ugu diyaar-garoobayaan weerarada Al-Shabaab ee bisha Ramadan.

Brig Paul L’Okech, oo ah Taliyaha Ciidamada Uganda ee AMISOM oo qaabilsan Muqdisho iyo gobollada ku dhaw ayaa sheegay in howsha sugida amniga ay iska kaashanayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay inay ka gacan siiso Ciidamada Soomaaliya adkeynta amaanka Caasimadda oo laga cabsi qabo in Al Shabaab ay weeraro ka fuliso bisha Ramadan.

"Al Shabaab sida looga bartay waxay weeraro ka fuliyaa bisha Ramadan magaalada Muqdisho, sidaasi darteed waxaan sameynay diyaar-garow aan uga hortagayno qorshahaas," ayuu yiri Brig Paul L’Okech.

Meelaha laga baqdin qabo inay bartilmaameedsato Al-Shabaab ayaa ah Goobaha dadweynaha sida Suuqyada, Hoteelada, Saldhigyada AMSIOM iyo xaruumaha dowladda Soomaaliya ee Muqdisho.

Brig Paul L’Okech ayaa ugu baaqay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka inay sameeyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana bulshada iska-kaashi kala yeeshaan kahor tagida weerarada.

Al-Shabaab ayaa laga saarey lixdii sano ee lasoo dhaafay dhul ballaaran oo Koonfurta iyo Bartamaha dalka ku yaalla, oo Muqdisho kamid tahay balse wali Kooxda ayaa awooda inay fuliso weeraro culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM