Qoyska masuul DF u xirtay musuq oo xog badan kashifay

Image
Laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa wali u xiran Cabdishakuur Aadan Maxamuud, kaasi oo horey u ahaa Isuwadaha Mashaariic uu maalgelinayo Bankiga Horumarinta Islaamka, Mashrucaan ayaa haatan hakad u galay markii wax isdabamarin lagu sameeyay.
 
Mashruuca oo ujeedkiisu ahaa in taageero dhinaca saadka ah la siiyo dadka Xoolo dhaqatada ah ee ku nool magaalooyin kala duwan oo dalka ka tirsan ayaa waxaa loo qorsheeyay inay ku baxdo Malaayiin Dollar, taasi oo Hal milyan oo kamid ah la bixiyey.
 
Dowladda Soomaaliya ayaa ku soo eedaysay Maxamuud inuu si qaldan u maareeyay lacagta, waxaana la dhigay xabsi inkasta oo uusan wali kasoo muuqan Maxkamad, wallow hay'addaha cadaaladu sheegayaan inay ku raadjoogaan caddeymo dheeri ah.
 
Bashiir Aadan Maxmuud oo sheegtay inuu kamid yahay qoyska Isuduwaha ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu "xaq-daro" ku haysato Wiilkooda, isaga oo ugu baaqey in hadii kiiskiisa loo hayo caddeymo lasoo taago maxkamad si xukun loogu rido.
 
"Cabdishakuur wuxuu madax ka ahaa hay'adda loo xil-saarey fulinta mashruuc loogu talagay dhulka oomanaha ah, kaasi oo Bankiga Horumarinta Islaamka uu maalgelinayey, waxayna amaaneen shaqaddiisa," ayuu hadalkiisa raaciyay.
 
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Maxamuud lagu maagey markii uu shaqada ka eryay ruux ay isku dhow yihiin Wasiirka Maaliyadda, kaasi oo uu tilmaamay inuu ku lug-yeesha kiis wax isdabamarin oo ka dhacay mashruuca.
 
"Dowladdu hadii ay u hayso caddeymo maxkamad hasoo taagto si loo maxkamadeeyo. Hadii kale, waa in lasii daayaa sababta oo ah dambi malahan," ayuu hadalkiisa ku darey, isaga oo ku nuux-nuux sadey in Maxamuud uusan wax qalad ah sameynin.
 
"Cabdishakuur handadaadyo ayuu la kulmayey markii uu fashiliyey musuq-maasuq lagu waday mashruuc heer wuxuu gaarey dil loogu hanjabo, isaga oo shaqada ka eryay nin ay isku dhow yihiin Wasiirka maaliyadda oo lagu magacaabo Axmed Jimcaale Bayle ayaa lagu amrey inuu dib ugu soo celiyo shaqada taasi oo diidey," ayuu xusey qofkaan isaga oo hadalkiisa sii wata.
 
Tobbankii sano ee lasoo dhaafey Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirtay liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan, inkasta oo uu madaxda dowladda haatan sheegaan iney wadaan dadaalo xidada loogu siibiyo musuqa, ayaa laamaha qaabilsa arinakaan waxay xabsiyada u taxaabeenn saraakiil hoose.  
 
Kiiska lagu haysto Cabdishakuur ayaa wuxuu yahay midka ugu culus dowladda haatan gacanta ku hayso, waxaana qaabka ay uga fal-celiso uu ku xirnaan doonan in dib loo bilaabo mashruuca, kaasi oo la saxiixay labo maalmood kadib doorashadii Madaxwayne Farmaajo.  
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM