Ra'iisul Wasaaraha oo furay shirkii Baydhabo

Image
Image
Image
Image

Axad, Sept 14, 2014 (Garowe Online)- Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo gelinkii dambe ee maanta isaga iyo wafdi uu horkacayaa ay Baydhabo gaareen, ayaa si rasmi ah u furay shirka dib u heshiisiinta iyo dhismaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee ka kooban saddexda gobol.

Ra'iisul Wasaaruha oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyey, wuxuu sheegay inuu si aad ah ugu rajo weyn yahay in shirkani uu horumar iyo baraare u horseedi doono bulshada ku dhaqan gobollada Bay iyo Bakool.

"waxaa maanta  sharaf ii ah inaan si rasmi ah u furo shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed... waxan rajaynayaa in shirkani uu horseed u noqdo kalsooni dhisidda dadka wada dagan gobolladan..." Mudane Cabdiweli ayaa sidaas yiri.

Gudoomiyaha Baarlammaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isna madasha ka hadlay, wuxuu sheegay in shirka maanta Baydhabo ka furmay uu gogol xaal u yahay sidii looga gudbi lahaa khilaafka siyaasadeed ee jira.

"shirkani wuxuu qayb ka yahay tallaabooyinka la rabo in lagu dhameeyo mad-madowga ku dhexjira dadka gobolladan dega, waana muhiim in shirku uu ku bilowdo qalbi furnaan.." Guddoomiyaha Baarlammaanka ayaa sidaas yiri insagoo intaas raaciyey in isu tanaasulku uu muhiim yahay.

Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobollada koonfur galbeed Soomaaliya oo socon doona mudo 45 cisho ah wuxuu ka kooban yahay saddex weji. Wejiga koowaad ayaa noqonaya dib u heshiisiin guud iyo is cafin, wejiga labaad marka la gaaro waxaa la mideynayaa aragtiyaha kala duwan ee ku saabsan dhismaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, halka wejiga seddexaad ee ugu dambeeyana uu yahay in la gudagalo dhismaha maamulka KMGka koonfur Galbeed. 

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM

Xildhibaano mucaarad ku ah Maamulka Xasan Sheekh oo xayiraadda laga qaadey

Sidoo kale, wuxuu ku booriyay in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa wadashaqaynta iyo kala dambeynta Baarlamaanka, si loo gaaro horumar waara.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 11:24AM