Ra’iisul Wasaare Xamsa oo amray in si degdeg ah loo fasaxo duulimaadyada Garoonka Muqdisho

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoolka garoonka kula hadlay qaar ka mid ah rakaabka.

Muqdisho, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo booqday garoonka Aden Cadde ayaa amray in si degdeg ah loo fasaxo duulimaadyada, ka dib cabashooyin ka timid shacabkii dayaaradaha sugayay.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabaaya cabashooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa garoonka dayaaradaha Aden Cadde ayaa booqasho deg deg ah ku tagay garoonka halkaasi oo kula kulmay shacabkii dayaaradaha sugayay, oo uu ka dhageystay cabashooyinkooda.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maamulka Garoonka iyo Shirkadaha Dayaaradaha inay si deg deg ah u qaadaan dadka rakaabka ee sugayay safaradooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo hoolka garoonka kula hadlayay qaar ka mid ah rakaabka ayaa sheegay in dowladdu ay ka xuntahay dib u dhaca iyo culeyska ku yimid safaradooda, isaga oo ballanqaaday in arrintan oo kale aanay dib u soo laaban doonin.

Waxaa Saakay ku xayirnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho boqolaal dadwayne ah oo ay ku jiraan qaar xanuunsan kadib markii is-faham-waa uu ka dhashay bixinta lacago dheeraad ah oo la sheegay in ay soo rogtay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM