Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Image
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

NAIROBI, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen, Wasiirka Arrimaha Dibedda kenya Musalia Mudavadi, Wasiirka Difaac Kenya Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi , xubno ka tirsan Dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, Socdaalka ,amniga gaar ahaan la dagaalanka khawaarijta, dalxiiska, caafimaadka, iyo waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo Kenya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Kenya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isaga oo la wadaagaya fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka khawaarijta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM