Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Image
Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanayd Soomaaliya Catriona Laing oo soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Danjire Laing doorkii ay ka soo qaadatay taageerada dowladnimada Soomaaliya, muddadii ay ka howlgaleysay dalkeenna, taas oo xoojisay taageerada iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Dhinaceeda, Danjire Catriona Laing ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wada-shaqeynta ay u muujiyeen intii ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM