Rag lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgalo ay ciidamadu sameeyeen saacadihii u dambeeyay.

Sakiya Xuseen Axmed, taliye ku xigeenka bileyska, ayaa shaacisay in ku dhowaad 16 ruux lagu soo qabtay baaritaaadii u dambeeyay.

Shaqsiyaadkaad oo haatan ay baaris ku socoto ayaa laga soo kala qabtay Muqdisho iyo duleedkeeda, gaar ahaa degaanka Ceelasha Biyaha.

"Baaritaaka wixii kasoo baxa waa la idinla soo wadaagayaa," ayay hadalkeedka ku dartay Sakiya, oo si lamid ah ah afhayeenka ciidanka.

Jenaraal Sakiya ayaa intaasi raacisay in laamaha amaanka ay u gaarsanayaan rag kale oo ku jira gudaha caasimada oo diyaarinaya falal lidi ku ah amaanka.

"Xogtooda waa la hayaan, waana lagu raad-joogaan ragga ka shaqeynaya khal-khal gelinta amniga oo bulshada ku dhex dhuumanaya," ayay raacisay.

Taliye ku xigeenka oo sii hadlaysa ayaa xustay in si lamid ay ciidanka ay degmada Warta Nabada kasoo qabteen nin bam-gacmeed ku gannay xoogaga dowlada.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal, ninkaan ayaa ku cararay guri ay degan yihiin dad shacab halkaasi oo uu saacado ka dagaalamayay.

Saraakiisha amaanka ayaa tibaaxay in muddo kadib ay ku guuleysteen ciidanka in ay soo qabtaan ninkaan oo aan wali saxaafada loosoo bandhigin.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday dhismaha ay degan yihiin wasaaradaha Howlaha Guud iyo Shaqada, ciidamada ayaa sare u qaaday howlgalada lagu xaslinayo Muqdisho oo si dardar leh ku socda.

Ku dhowaad 10 ruux oo u badan shaqaale dowladeed oo uu ku jiro wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ayaa lagu khaarijiyay dhacdadaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM