Raggii fuliyey duulaankii Naasa Hablood 2 ee Muqdisho oo la toogtey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay dil toogasho ku fulisay saddex rag oo lagu eedeeyay weerar ka dhacay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen duulaankii lagu beegsaday Huteel Naasa Hablood 2 ee ku yaala degmada Xamar-weyne, ayna mas'uuliyiin iyo siyaasiyiin degan yihiin.

Weerarkaasi oo loo adeegsaday qarax gaari oo xoogan iyo mid toos ah isla markaana dhacay 28-ka bishii October ee sanadkii 2017-kii ayaa yimid maalmo kadib dhacdadii Soobe.

Xubnaha saaka la toogtey ayaa waxaa lagu kala magacabaaa; Farxaan Maxamed Samatar, oo 21-jir ah, Cabdinaasir Dhaqane Xasan, oo 19-jir ah iyo Abshir Maxamed Xaaji oo 21-jir ah.

Weerarkii Naasa Hablood 2 oo ay dusha saaratay mas'uuliyadiisa kooxda Al-Shabaab ee gacan-saarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhimatay 17 ruux, xili ay ku dhaawacmeen 47 kale.

Ciidamadda Ammaanka ayaa xiligaasi shaaca ka qaadey in saddex rag ay gacanka ku dhigeen iyaga oo isku dayaya in ay ka baxsadan huteelka oo ay saacado haysteen.

Xukunka dilka toogashadda ah ee lagu fuliyey ayaa waxaa garka loo geliyey 30-ka bishii May ee sanadkii hore 2018-kii, iyaga oo tan iyo xilligaasi ku jira xabsiga.

Mas'uuliyiinta lagu naf-gooyey dhacdadaasi waxaa kamid ah; Wasiirkii Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Madoobe Nuunow, kaasi oo ka tirsanaa xukuumadii madaxweyne Shariif Xasan Aadan iyo Xildhibaan Cabdinaasir Garane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM