Rag Muqdisho ka fuliyey qaraxyo galaaftay 70 ruux oo la xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ayaa ku gacan-seyrtay Racfaan ay qaateen laba shaqsi oo horey dil toogasho loogu xukumay.

Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Barow Aadan ayaa waxaa loo haystaa qaraxyo ay ku dhinteen in ka badan 70 ruux oo Muqdisho ka dhacay.

Bishii Maaj 20-keeda ayaa dil toogasho garka loo geliyay, wallow ay racfaan ka qaateen, balse markii laga diiday waxaa dib loogu celiyey xukunkii hore.

Sidda ku cad bayaan kasoo baxay maxkamadda maanta oo Isniin ah, talaabadaan ayay waxay qaadatay markii la horkeenay caddeymo ay ku jiraan qiraaladooda.

Weerarada caasimada ruxay ee dhalinyaradaan ku eedeysan yihiin ayaa waxay ka kala dhacay Daljirka Daahsoon, Tiyaartarka [oo ku dhow madaxtooyada] iyo Huteel Saxafi.

"Dilka toogashada waa qisaasta marxuumiinta ku geeriyootay qaraxyadii ay ku lugta lahaayeen," ayaa lagu yiri qoraalka, oo nuqul kamida uu arkay warsidaha GO.

War-saxaafadeedka laguma caddeyn hadii ay mar kale Racfaan qaadan karaa, taasi oo dadka sharciga aqoonta u leh ku tilmaameen in aysan fursad kale haysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM