Rag Muqdisho ka fuliyey qaraxyo galaaftay 70 ruux oo la xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Ciidamada Soomaaliya ayaa ku gacan-seyrtay Racfaan ay qaateen laba shaqsi oo horey dil toogasho loogu xukumay.

Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Barow Aadan ayaa waxaa loo haystaa qaraxyo ay ku dhinteen in ka badan 70 ruux oo Muqdisho ka dhacay.

Bishii Maaj 20-keeda ayaa dil toogasho garka loo geliyay, wallow ay racfaan ka qaateen, balse markii laga diiday waxaa dib loogu celiyey xukunkii hore.

Sidda ku cad bayaan kasoo baxay maxkamadda maanta oo Isniin ah, talaabadaan ayay waxay qaadatay markii la horkeenay caddeymo ay ku jiraan qiraaladooda.

Weerarada caasimada ruxay ee dhalinyaradaan ku eedeysan yihiin ayaa waxay ka kala dhacay Daljirka Daahsoon, Tiyaartarka [oo ku dhow madaxtooyada] iyo Huteel Saxafi.

"Dilka toogashada waa qisaasta marxuumiinta ku geeriyootay qaraxyadii ay ku lugta lahaayeen," ayaa lagu yiri qoraalka, oo nuqul kamida uu arkay warsidaha GO.

War-saxaafadeedka laguma caddeyn hadii ay mar kale Racfaan qaadan karaa, taasi oo dadka sharciga aqoonta u leh ku tilmaameen in aysan fursad kale haysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM