Rag Shabaabnimo loogu xukumay dil toogasho oo Racfaan qaatay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada ciidamada Soomaaliya ayaa Sabtidii dhageysatay Racfaan ay laba dhalinyaro ka qaateen dil toogasho ah oo loogu xukumay eedo isugu jira Shabaabnimo iyo abaabulka qaraxyo.

Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Boorow Aadan oo 20-kii Maaj ee sanadkaan xukunkaasi garka loo geliyay ayaa ku dooday in loo geystay jirdil si ay u qirtaan dambiyadaasi.

Raggaan ayaa loo haystaa weeraro ay ku dhinteen in ka badan 70 ruux oo ka dhacay caasimada wixii ka dambeeyay 21-kii December ee sanadkii hore, oo uu ku jiraan qaraxyadii Tiyaatarka iyo Daljirka Daahsoon.

Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa ku adkeystay in Canshuur iyo Maxamed ay galeen dacwadda lagu soo oogay, isla markaana ay hayaan caddeymo ku filan oo ay kmaid tahay in ay qireen.

Dooda eedeysanayaasha ee ku aadan in la jirdilay ayaa "beenowday" markii iyada oo fadhiga maxkamada la joogo lasoo bandhigay qeybaha jirkooda, "taasi oo aysan ka muuqan wax dhaawacyo ah".

Qareenada difaacayey eedeysanayaasha oo mowqifkooda ah in labada ruux aysan khalad sameyn ayaa ka codsaday maxkamada in xorriyadooda loo celiyo maadaama "dusha laga saarayo dambi aysan gelin".

Sikastaba, fadhiga maxkamada ayaa lasoo xiray iyadda oo la sheegay in go’aanka ugu dambeeya uu soo bixi doono maalmaha soo socda, inkasta oo aan la qaban waqti cayiman oo ah wax caado u ah garsoorka.

Canshuur iyo Maxamed ayaa la qabtay daqiiqo kadib weeraradii isku xig-xigay ee Tiyaarta iyo Daljirka Daahsoon kuwaasi oo dadka ugu badan ee dhintay ay shacab ahaayeen xili ay Al-Shabaab sheegatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM