​Raggii dilay Wariye Hindiya oo la toogtay

Image

MUQDISHU- Waxaa manta xukun qisaas ah lagu fuliyay labo nin oo ka dambeeyay dilka ALLAHA u naxariiste Wariye Hindiyo Xaaji oo dabayaaqadii sannadkii hore u dhimatay dhaawac kasoo gaaray qarax loogu xiray gaarigeeda.

Cabdirasaaq Maaxmed Barrow Caddow iyo Xasan Nur Farax, ayaa lagu toogtay fagaaraha Iskuul Polizia, waxaana lagu fuliyay  xukun dhawaan dul dhigtay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Raggan ayaa qirtay dambiga lagu xukumay, waxayna sheegeen inay katirsanyihiin kooxda Shabaab.

03 December, 2015 ka ayay ahayd markii  Barrow iyo Xasan Nuur Faarax qarax ku dhajiyeen gaariga Hindiyo Xaaji Maxamed Kheyre,waxaana 25-ka bishii February Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida dul dhigtay xukunno kala duwan oo midkood ahaa xabsi daa’im waloow ay ka laabtay islamarkaana 20-kii March labadaasi ninba ku xukuntay toogasho.

Dhinaca kale waxaa wali aan lagu fulin xukunkii dhawaan lagu riday Xasan Xanafi oo loo haysto dilka Wariyaal Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM