Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u safray dalka Imaaraadka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, xilli xiriirka labada dalka uu hoos u dhacay mudooyinkii dambe.

Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha oo ay kamid yihiin xubno katirsan labada Golle ee Dowladda ayaa ka duulay maanta gelinkii hore Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku wajahan magaalada Abu Dhabi, ee caasimadda dalka Imaaraadka.

Safarka Khayre ayaa yimid kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Madaxda dalka Imaaraadka, waxaana socdaalkiisa uu noqonayaa midkii ugu horeeyay tan iyo intii uu noqday Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya bishii Febuary ee sanadkii 2017-dii.

Booqashada Khayre oo aan la ogeyn inta maalmood oo ay qaadan doonto ayaa waxaa la filayaa inuu kulamo kula yeesho Abu Dhabi mas'uuliyiinta Imaaraadka, iyagoo kawada hadli doono xoojin xiriirka labada dowladood oo aan xilligan wanaagsaneyn.

Wafdi Ra'iisul Wasaaraha ayaa la filayay inuu u duulo Imaaraadka 25-kii bishan, balse dib uga dhacay markii weerar culus oo ku dhawaad 50 qof ay ku dhinteen uu ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyada Villa Soomaaliya Jimcihii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM