​Ra'isal wasaaraha Somalia oo tacsi ka diray geerida Gen. Caarre

Image

Muqdisho, July 24, 2016- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo uga tacsiyadeeyey geerida ku timid Janaraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi (Caare), oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Janaraalka ayaa ka mid ahaa saraakiishii sar sare ee Xooga dalka, waxaana muddooyinkan uu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.

“Janaraal Caare waxa uu ahaa shaqsi naftiisa, waqtigiisa iyo cilmigiisaba u huray sidii loo horumarin lahaa Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, dib u dhisna loogu sameyn lahaa,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyska marxuumka, isaga oo dhanka kale alle uga baryay marxuum Caarel inuu janadiisa geeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM