​Ra'isal wasaare Sharmake oo booqanaya Dhuusomareeb

Image

Ra'isal wasaraha dowladda Federalka Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa maanta oo sabti ah la qorshaynayaa inuu tago degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, halkaas oo kulan kula qaadan doono madaxda maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo ka taliya qaybo kamid ah gobolkaasi.

Safarkan oo ah mid aan horay loo sii qorshayn ayaa xogta soo gaaraysa Warsidaha Garowe Online, sheegaysaa in kulankan ahmiyaddiisu tahay sidii culimaa'uddiinka Ahlusnna looga qancin lahaa tabashooyinka dhanka dowladda Federalka iyo xallinta khilaafka kala dhaxeeya maamulka Galmudug.

Waxay sidoo kale la sheegay inay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira amniga, siyaasadda iyo hormarka.

Socdaalka Sharmake, ayaa kusoo aadaysa xilli muddo soo taagnaa khilaafka ka dhaxeeya labada maamul ee ka taliya gobollada dhexe, waxaana maamulka Dhuusomareeb si aad ah u diidanyahay Galmudug oo sannadkii hore degmada Cadaado lagu dhisay.

Bilo kahor, waxaa booqasho sidaan oo kale ah ku tagay guddoomiyaha Barlamanka Somalia, wuxuuna wadahadal la yeeshay Ahlusunna kaasi oo la xiriira khilaafka Galmudug, balse waxa arrintaasi kasoo horjeestay maamulka Cadaado, oo guddoomiyaha ku eedeeyay inuu kala qaybinayo shacabka labada dhinac islamarkaana burburinayo dadaalka ay wadday xukuumadda Somalia.

Ammaanka Dhuusomareeb, ayaa aad loo adkeeyay, waxaana socota qaban qaabo ku aadan safarka Ra'isal wasaare Sharmake.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM