Rasaas iyo qaraxyo laga dhex-maqlay xabsiga dhexe ee Muqdisho

Image
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shilkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar horudhac ah oo laga helayo labo ilo wareedyo ayaa sheegaya in maxaabiis looga shakisan yahay inay dabley yihiin ay rasaas iyo bambooyinka gacanta laga tuuro ku tuureen ilaalada xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shilkaas.

Ilaa hadda ma cadda in hubka si qarsoodi ah loo soo geliyay xabsiga iyo haddii ragga weerarka geystay ay dibadda ka yimaadeen.

Balse, illo wareedyo kale waxay soo jeediyeen inaysan jirin wax weerar ah oo dibadda ka yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM