Rasaas iyo qaraxyo laga dhex-maqlay xabsiga dhexe ee Muqdisho

Image
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shilkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar horudhac ah oo laga helayo labo ilo wareedyo ayaa sheegaya in maxaabiis looga shakisan yahay inay dabley yihiin ay rasaas iyo bambooyinka gacanta laga tuuro ku tuureen ilaalada xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shilkaas.

Ilaa hadda ma cadda in hubka si qarsoodi ah loo soo geliyay xabsiga iyo haddii ragga weerarka geystay ay dibadda ka yimaadeen.

Balse, illo wareedyo kale waxay soo jeediyeen inaysan jirin wax weerar ah oo dibadda ka yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM