Rasaas iyo qaraxyo laga maqlay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo iyo rasaas mudo kooban socday ayaa xalay saqdii dhexe laga maqlay qeybo katirsan magaalada Muqdisho, kadib markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig military.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu qaaday fariisin cusub oo dhawaan Ciidamo katirsan dowladda ka sameysteen Xaafadda Xamar-Jadiid ee degmada Wardhigleey, ee gobolka Banaadir.

Xoogaga Al Shabaab ayaa ua adeegsaday weerarka hubka culus iyo bambooyinka gacanta, waxaana ay dagaal daqiiqado socda ay la galeen Ciidamada ku sugan xerada.

Illo kala duwan oo katirsan hay'adaha amniga dowladda ayaa uu xaqijiyay Warsidaha Garowe Online in ugu yaraan hal Askari iyo qof kale oo shacab ah ay ku dhinteen iska hor-imaadka ka dhacay Xamar-Jadiid.

Ciidamada oo maalmo kahor laga soo raray Jidka wadnaha, ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al Shabaab islamarkaana ay ka sameeyeen Xaafadda howlgal lagu soo qabtey dad badan.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay xilli xalay uu fariisamaha ay ku sugan yihiin Ciidamada amniga uu kormeer ku tagey Wasiirka amniga gudaha, Maxamed Abuukar Islow iyo xubno katirsan dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM