Rayid ku dhintay duqayn ka dhacday Shabeellaha Dhexe

Image

BIYO-CADDE - Ugu yaraan 2 ruux oo shacabka ayaa ku dhimatay labo kalana waa ku dhaawacmeen hoobiye ku dhacay gurigooda oo ku yaalla deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka dib weerar duqayn ah oo kooxda Al Shabaab ku qaaday ciidanka ATMIS oo deegaanka ku leh saldhig ciidan.

Dadka deegaanka ayaa Garowe Online u sheegay in xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaadeen deegaanka Biyo Cadde oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku leeyihiin gudaha deegaankaaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada huwanta ay dhankooda ku jawaabeen tiro madaafiic ah, kadib weerarka lagu soo qaaday.
Hoobiyeyaasha ka yimid dhanka Al-Shabaab ayaa qaarkood waxa ay ku dhaceen guryo ay daganaayeen dad shacab ah, waxa ayna sababeen dhimashada ugu yaraan 2 qof shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhammaan ah dad isku qoys ah.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay howlgallo ka bilaabeen halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey xoogaga Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan Shabeelaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyey weerarkii dhowaan lagu qaaday saldhig ciidanka Burundi ay ku leeyihiin halkaasi, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Burundi waxa ay sheegtay in dagaalkaas looga dilay ugu yaraan 30 askari halka kooxdu sheegtay in ay weerarka ku dishay ku dhawaad 200 ka tirsan milatariga Burundi ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM