Rayid ku dhintay duqayn ka dhacday Shabeellaha Dhexe

Image

BIYO-CADDE - Ugu yaraan 2 ruux oo shacabka ayaa ku dhimatay labo kalana waa ku dhaawacmeen hoobiye ku dhacay gurigooda oo ku yaalla deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka dib weerar duqayn ah oo kooxda Al Shabaab ku qaaday ciidanka ATMIS oo deegaanka ku leh saldhig ciidan.

Dadka deegaanka ayaa Garowe Online u sheegay in xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaadeen deegaanka Biyo Cadde oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku leeyihiin gudaha deegaankaaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada huwanta ay dhankooda ku jawaabeen tiro madaafiic ah, kadib weerarka lagu soo qaaday.
Hoobiyeyaasha ka yimid dhanka Al-Shabaab ayaa qaarkood waxa ay ku dhaceen guryo ay daganaayeen dad shacab ah, waxa ayna sababeen dhimashada ugu yaraan 2 qof shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhammaan ah dad isku qoys ah.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay howlgallo ka bilaabeen halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey xoogaga Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan Shabeelaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyey weerarkii dhowaan lagu qaaday saldhig ciidanka Burundi ay ku leeyihiin halkaasi, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Burundi waxa ay sheegtay in dagaalkaas looga dilay ugu yaraan 30 askari halka kooxdu sheegtay in ay weerarka ku dishay ku dhawaad 200 ka tirsan milatariga Burundi ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM