"Riyo kasoo bilaabatay Muqdisho ayaan ka hirgeliyay Mareykanka"

Image

MINNESOTA, US – Shaqsigan Soomaaliga ah balse degan gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa hantay riyo uu in muddo ah ku taahayey kana soo bilaabatay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Dr Maxamed Cali oo sanado kahor kasoo tegay Soomaaliya ayaa koonfurta Minneapolis ka furtay xarun lagu daaweeyo xanuunada Ilkaha gaar ahaan meel ku dhow harada caanka ah ee Lake Nokomis.

Durba qaabilaada bukaanada ayuu bilaabay. Balse aad ayey u qodxo badneyd wadada uu heerkan u soo maray maadaama uu kusoo koray dagaal sokeeye oo dalkiisa hooyo uu hadda kasoo kabanayo.

"Markii aan aadka u yaraa, aabahey wuxuu ii kaxeeyay bartamaha magaaladda si uu igaaga soo daaweeyo goos xanuun; waana markii ugu horeysay oo aan aado dhakhtarta Ilkaha," ayuu Dr Cali yiri.

Muddo ku dhow 20-sano ayaa kasoo wareegatay markii uu Minnesota tegay, isaga oo kadib galay University of Minnesota kana bartay culuumta la xiriirta Ilkaha, taasi oo uu iminka ka shaqeysanayo.

"Qeybta ugu fiican ee daaweynta Ilkaha waa in bukaanka uu kuu yimaado isaga oo xanuun dareemaya; kaana taga isaga oo aan xanuun dareemayn kuuna mahad-naqaya," ayuu xusay. "Waa abaal fiican".

Iyadda oo uu ku hadli karo labadda luqadood, English iyo Soomaaliya, wuxuu xusay in uu u adeegi doono cid walba.

"Dhab ahaantii, dad badan, waad og-tahay, bukaanadeena, waxay noo arkaa dhakhtarka Ilkaha, ma ahan Soomaali, taasoo ka dhiganay meesha aanu ka nimid," ayuu hadalkiisa ku daray.

Ardayda haatan baraneysa cilmiga daaweynta ilkaha kuwaasi oo qaarkood ay caawinayaa isaga ayaa waxa uu u noqday qof ay ku daydaan.

Sikastaba ha ahaatee, Dr Cali ayaa wuxuu noqonayaa shaqsigiii afaraad ee Soomaali-Ameerikaan ah, kaasi oo aaga uu ku nool yahay ka noqda dhakhtarka ilkaha sideedii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM