Roob baajiyey kala bar duulimaadyaddii garoonka diyaaradaha Muqdisho

Image
Dhacdadan ayaa lasoo wariyay Axadii shalay ahayd iyadda oo la rajeynayo in shaqada ay sidii kusoo laabato maanta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa Axadii shalay ahayd ay ku yimaadeen dib u dhac ku yimid, sidda ay xaqiijiyeen illo xog-ogaal ah.

Qaar kamid ah saraakiisha garoonka iyo waaxda duulista hawada ayaa dib-u-dhaca u sababeeyay roobab xooggan ay da’ay iyo ceeryaamo cufan taasoo keentay in shaqada ay u socon weydo si caadi ah.

"Duulimaadyada caalamiga ah qaarkood ayaa loo weeciyay dalka Kenya, halka duulimaadyadii dadka deegaanka ay ka degeen garoomo kale oo gudaha ah," ayuu yiri sarkaal xog-ogaal ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kala bar duulimaadyadii garoonka oo ay ku jiraan kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah la joojiyay sababo la xiriira cimilada oo aan la filayn.

Sikastaba ha ahaatee, Isniinta maanta ah ayaa waxaa la rajeynayaa in dhamaan duulimaadyaddii ay kusoo laabtaan si caadi ah isla markaana jadwalka shaqada uu sidiisii hore dib ugu soo laaban doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM