Ruushka oo saaxada Soomaaliya kula soo laabtey yabooh naadir ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Ruushka ayaa tobanaan sano kadib waxay safiir cusub u soo magacaabtey Soomaaliya, oo sanadihii u dambeeyay soo jiidatay indhaha quwadaha caalamka.

Mikhail Golovanov, oo Arbacadii Muqdisho yimid ayaa wuxuu la kulmay madaxweyne Farmaajo, oo uu ku wareejiyey nuqulo kamida waraaqihiisa danjirnimo, ayna yeesheen wadahadalo.

Xafiiska hogaamiyaha dalka leh xeebta ugu dheer Afrika ayaa war-saxaafadeed ku shaaciyey in dhinacyadda ay kawada xaajoodeen xoojinta cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa lagu martiqaadey in uu ka qeybgalo shirka Russia-Africa kaasoo 26-ka bisha October ee sanadkan 2019 ka dhacaya wadanka qabowga badan.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu xusay in Golovanov oo ku hadlaya afka madaxda waddankiisa uu siiyey Farmaajo yabooh ku aadan codka diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka.

"Safiirka oo ku hadlaya afka madaxweynihiisa, Vladimir Putin wuxuu u balanqaadey Jamhuuriyadda Soomaaliya in ay ka taageeri doonaa wax kasta oo ay uga baahato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay," ayaa lagu yiri.

Golovanov ayaa ku biiraya safiiro ka socda reer Galbeedka oo dhowaanahanba imaanayey Soomaaliya oo loo arko dalka istaraatiiji ahaan ugu muhiimsan Geeska Afrika.

Ruushka ayaa kamid ah shanta dal ee ku jira Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, kuwaasi oo awood u leh in ay diidaan go’aanada golaha hadii ay guud ahaan isku raacan.

Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska iyo Ingiriiska waa wadamada kale ee sida joogtada ah ugu jira golahan, iyadda oo dalalka kale ee xubnaha ka ah si sanad leh loosoo doorto.

Balanqaadkan ayaa ah mid dhif iyo naadir ah, hadii ay jireen horey ma aysan u soo bandhigin Madaxtooyadda wadamo yabooh kan lamid ah siiyey iyadda oo dalka wajahayo loolan aad u adag.

Hardanka ayaa kaga imaanaya Kenya oo ay isku hayaan dacwad dhanka badda ah oo hortaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ, taasi oo bisha September bilaabeyso dhageysiga kiiskan.

Xukuumada Nairobi ayaa horey uga codsatay Qaramada Midoobay in ay soo farogeliso xiisadan taagan, taasi oo qeyb ka ah talaabooyinka ay Kenya cadaadiska u saareyso Soomaaliya si ay wada hadal u ogolaato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM