​RW Cumar "Falal amni xumo ayaa ka dhalan karta qaxootiga"

Image

MUQDISHU, Somalia: Wargeyska Washington Post, ayaa qoray in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, uu sheegay inay raali ka noqon doonin in xukuumadda Kenya khasab kaga saarto qaxootiga Xerada Dhadhaab.

“Waxaan dooneynaa in dadkaan dib ay ugu soo laabtaan dalka, laakiin taasi waxa ay u baahantahay in loo maro nidaam, waxaanu kala hadalnay bulshada Caalamka iyo Kenya habka ugu wanaagsan oo ay ku suuragali karto dib usoo celinta qaxootiga,” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaaraha, waxa uu sheegay in qaxootiga ay u baahan yihiin waqti ku filan oo ay kaga guuraan Xeryaha Dhadhaab, balse aysan suuragal aheyn in sanadkaan gudihiisa lagu fuliyo go’aankaasi.

“Tani waxay sii kordhin kartaa falal amni xumo  ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, sababtoo ah dhallinyarada qaxootiga ayaa ku biiri kara Kooxaha xagjirka ah, waana in laga fikiraa halka ay ku dambeyn karto noloshada dadkaan,” Ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo kula kulmay magaalada Brussels, xoghayaha guud QM Banki Moon, ayaa ka dalbaday bulshada Caalamka in laga taageero dowladiisa dib u celinta Qaxootiga Soomaalida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM