R.W. Federalka: "San-balolshe ku takrifal awodeed buu sameeyey"

Image

Sept 18, 2014 (Garowe Online)- Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka oo weli magaalada London ku sugan, ayaa faah faahiyey sababaha keenay in Golaha Wasiirradu xilka ka qaadaan Agaasimihii Hay'adda Nabad-sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali San-baloolshe .

Waraysi uu siiyey Idaacadda BBC laanteeda afka Soomaaliga ayuu  arrintan kusoo hadal qaaday, isagoo tilmaamay in sababta koowaad ee San-baloolshe lagu eryey tahay ku-tagrifal awoodeed.

Cabdiweli Sheekh wuxuu dhanka kale sheegay in mas'uulkaasi si cad hadallo meel ka dhac ah marar badan ugu yiri mas'uuliyiinta sare ee dowladda, amarna uu ku bixiyey in Hay'adda Nabad Sugiddu faraha la gasho wax aan shaqadeeda ahayn.

Ugu dambeyntii wuxuu Ra'iisul Wasaaruhu beeniyey inuu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, haseyeeshee ay jiri karto in waxyaabaha qaar ay ku kula kala aragti duwan yihiin.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa weli diidan xil ka qaadistii lagu sameeyey Agaasimaha Hay'ada Nabad Sugida isagoo oo shegeey in qaab khaldan loo marey.

San-balooshe ayaa ku wehliyey safarkii dhowaan Madaxweyne Xasan Shiikh ku tagey magaalada Kismayo taasoo ka tirjumeysa sida madaxda ugu sareysa ugu kala aragti duwan yihiin xil ka qaadistaan.

Laba todobaad kahor [Sept 7, 2014] ayaa Golaha Wasiirradu waxay shirkooda todobaadlaha ah ku go'aamiyeen in xilka laga qaado Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda, kaddib markii la dhaliilay shaqadiisa laguna soo eedeeyey xil gudasho la'aan.

Cabdullaahi Maxamed Cali San-baloolshe oo labo bilood kahor loosoo magacaabay Agaasimaha Hay'adda Nabad-sugidda, wuxuu kamid yahay shaqsiyaadka ay sida aadka ah isugu dhow yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynuhu wuu ka soo horjeestey go'aanka lagu eryey San-baloolshe, wuxuuna ku tilmaamay mid lagu deg degey oo aan sharci ahayn.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto AUSSOM

Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 07:11PM

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM