RW Khayre: Howlgal culus ayaa laga fulinayaa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay in Howlgal amni oo ballaaran laga fulin doono guud ahaan magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay mudane Khayre in howlgalka cusub ay u diyaarisay dowladda in ka badan 1,000 Askari oo isagu jira Boolis, Nabad Sugida, Militeri iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan Booliska Midowga Africa usoo direen Muqdisho.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in wax laha qaban doono amaanka Caasimadda, kadib markii dhawaan ay Al Shabaab weeraro ka fulisay afaafka hore ee Aqalka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Ciidamo cusub ayaa laga arkayaa maalmihii lasoo dhaafay wadooyinka, iyagoo baaraya gaadiidka gudaha magaalada isaga kala goosha, waxaana sare loo qaaday howlgalladii ciidamada ka fulin jireen Xaafadaha kala duwan.

Iyadoo ay tani jirto, ayaa waxay Al Shabaab kusoo qaadeen magaalada Caasimadda dhowr weerar wixii ka dambeeyay magacaabista Taliye-yaasha Booliska iyo Nabad Suguda bishii lasoo dhaafay.

Al Shabaab ayaa inta badan kordhisa weeraradeeda marka isbedel lagu sameeyo hogaanka Hay'adaha Amniga dowladda Federaalka, iyadoo arintaasi lagu micneeyay inay uga gol leedahay muujinta awoodeeda iyo inay fashliso qorshooyinka dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM