RW Khayre oo ka hadlay ahmiyada Ciyaaraha maamul goboleedyada

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay u daawasho tagey ciyaar dhexmartay kooxaha kubbada cagta Jubbaland iyo gobolka Banaadir ayaa ka hadlay ahmiyada ciyaaraha maamul goboleedyada.

Isagoo ay la socdeen Wasiirka Dhalinyarad iyo Ciyaaraha iyo gudoomiyaha gobolka banaadir, ayaa Khayre khudbad ka jeediyay furitaanka ciyaaraha sheegay in xukuumadiisa ay ka go'an tahay taageerida qabashada ciyaaraha noocan ah.

Isagoo hadlkiisa sii wato ayuu tilmaamay Mudane Khayre in dowladda Federaalka ay ciyaaraha kubada cagta u tahay fursad ay kusoo celin karto nabada iyo xasilinoonida dalka.

Wuxuu ugu baaqay Koxaha matalaya shanta maamul goboleed iyo Banaadir inay soo bandhigaan ciyaaro wanaagsan oo cadaalad ah, islamarkaana ay ka shaqeeyaan is dhexgalka iyo horumarka shacabka gobollada ay ka yimaadeen.

Ciyaaraha oo shalay si rasmi ah uga furmay Garoonka Banaadir Stadium ayaa waxaa food isku daray kulankii ugu horeeyay kooxaha Jubbaland iyo Banaadir, iyadoo ay usoo daawasho tageen dadweyne aad u badan iyo mas'uuliyiin uu kamid yahay Ra'iisul wasaare Khayre.

Wiilasha gobolka Banaadir ayay guushu raacday kadib markii 2-1 uga badiyeen Kooxda ka socotay Jubbaland, waxaana galabta ciyaari doona HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed oo aad loo sugayo kulankooda.

Waa markii labaad oo lagu qabto Muqdisho ciyaaraha maamul goboleedyada dalka, iyadoo kii hore ay qaadeen Ciyaartooyda Puntland, oo haddana isha ku haya koobka marlabaad inay qaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM