RW ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Hakan Çavuşoğlu ayaa maanta oo Khamiis ah soo gaarey magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Hakan Çavuşoğlu waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay dhigiisa dalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, Xildhibanno iyo Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka, iyadoo kadib loo galbiyay Saldhigga Turkiga ee deegaanka Jazeera.

Wafdiga Hakan Çavuşoğlu oo booqasho hal maalin ah ku yimid Muqdisho, ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato mas'uuliyiinta sare ee dowladda, iyagoo kawada hadli doono arrimo dhowr ah oo xiriirka labada dowladooda uu kamid yahay.

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha taageerada siiya dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo saldhig weyn oo military ka dhistay deegaanka Jazeera ee Muqdisho, halkaasi oo tababar lagu siinayo ciidamada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM