Sababta ay xukuumada u baabi'isay heshiisyo ay la gashay shirkado

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka laabatay heshiisyo ay kula jirtay shan shirkadood oo ah kuwa si gaar ah loo leeyahay.

Shirkadaasi oo kala ah; General Moters, Balqiis General, Sawaasiya General, Barwaaqo General iyo Gaagaale General ayaa ruqsad siin jiray gaariga u qalma in uu magaala maro.

War-saxaafadeed lagu baabi'iyey heshiisyadda oo kasoo baxay wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka ayaa waxaa nan lagu caddeynin sababta dhabta ah ee ka dambeysa arirntan.

Balse wararka kala duwan oo soo baxaya ayaa waxay daboolka ka qaadayaan in ay jiraan cabasho ka dhan ah shirkadaha oo ka timid mulkiileyaasha gaadiidleyda.

Si lamid ah, warbixino kale oo laga helay illo wareedyo ayaa farta ku fiiqaya in ay la xiriirto muran ka dhashay ilaalo hubeysan oo ay shaqaaleysiiyeen shirkadaha.

Qandaraaska la siiyey shirkadaha oo aan la hubin hadii tartan furan loo galay helitaanka ayaa nan sidoo kale lasoo bandhigin markii ay dhinacyadda qalinka ku duugayeen.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM