Xukuumada oo shaacisay in ay wada hadal la furtay Ahlu Sunna

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in wada hadal ay hogaanka Ahlu Sunna kala gashay is-maandhaafkii soo kala dhex-galay ay "isu soo dhowaanshiyo ka jirto".

Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka ah, oo warbaahinta la hadlay ayaa rajo wanaagsan wuxuu ka muujiyey in is-afgarad kama dambeys ah la gaaro.

"Xoogaagii taag-taaga ahaa dhowaanhan ka jiray Dhuusamareeb [kaasoo dhaxeeyay dowlada iyo Ahlu Sunna] isu soo dhowaanshiyo ayaa ka jirta markan wada hadal galnay," ayuu yiri, isagoo aan tafaasiil bixin.

Marka laga yimaado shaacinta wasiirka, illaa iyo haatan, ma jiro war hadal ah oo ku aadan wada hadalka oo kasoo baxay dhinaca maamulka Ahlu Sunna.

Khilaafka soo kala dhex-galay dowladda iyo ururkaasi ayaa yimid ka gedaal markii ay xukuumaddu ciidamo dheeri ah ku daabushay Dhuusamareeb, taasi oo ay walaac ka muujisay Ahlu Sunna.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Sheekh Shaakir ayaa lagu shaaciyey in dowladdu ka baxay heshiis ka kooban tobban oo ay kala saxiixdeen, balse dowladdu ay iska difaacday.

Hogaanka Ahlu Sunna oo aanan haatan joogin caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku sugan duleedka magaaladda, wallow la filayo in ay dib u soo laabtan.

Dhinaca kale, wasiir Sabriye ayaa tilmaamay in shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug uu furmi doono maalmaha soo aadan, wallow uusan muddeyn, haddana tirro dhowr ayuu dib u dhacay.

Xurgufka siyaasadeed ee Ahlu Sunna iyo dowladda ayaa la aaminsan yahay in arrimaha keenay ay kamid tahay Amniga shirka, kaasi oo la rumeysan yahay in ay ku baxeyso dhaqaalo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM