Sacuudiga iyo Soomaaliya oo bilaabay fulinta heshiis iskaashi amni
MUQDISHO, Soomaaliya - Boqortooyada Sucuudiga oo ka duulaysa heshiis iskaashi Milatari ah oo ay horay ula gashay dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa khuburo iyo saraakiil ciidan u soo dirtay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Weftigaan ayaa markii ay soo gaareen Muqdisho booqday xerada ciidanka ee Gen Gordan oo ah goob uu Emarat-ku ciidamo ugu tababaro Soomaaliya, waxaana lafilayaa in lagu wareejiyo saldhig ay ciidamo ugu tabbaari doonaan DFS.
Maraykanka, Turkiga iyo Emarat-ka Carabta ayaa horay saamayn ciidan ugu lahaa Soomaaliya, waxaase sanadihii ugu dambeeyey kordhay tirada dowladaha shisheeya ee doonaya inay ku lugyeeshaan dibudhiska ciidanka Soomaalida, inkastoo khuburada ammaanku tuhunsan tahay inay mustaqbalka fog saamayn gurracan ku yeelan doonaan ammaanka gobolka.
GAROWE ONLINE