Sacuudiga oo cambaareeyay gefka Itoobiya kula kacdey Soomaaliya

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadiyadan hor-dhigay dhaxal-suge Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis.

MAKKAH, Saudi Arabia - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Dhaxal-sugaha dalkaas, Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis.

Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga, madaxbannaanida Soomaaliya.
 
Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Soomaaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM