Saddex arrimood ka ogow sooyaalka ra'iisul wasaaraha cusub

Image
Aqoon-yahan, cilmi-baare iyo bar-baariye bulsho waa mar-xaladaha shaqo ee uu soo maray Xamza Cabdi Bare.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ra'iisul wasaaraha 21aad ee Soomaaliya u magacaabay Xamza Cabdi Bare. Labada mas'uul ayaa kasoo wada muuqdey shir jaraa'id.

Xamza ayaa maalmaha soo aadan hortagi doona Golaha Shacabka baarlamaanka 11aad si uu u helo kalsoonidooda kahor inta uusan soo magacaabin xukuumad cusub oo badali doonta mida shaqeynaysa.

Xukuumadda cusub ayuu cod dheer wuxuu ku balanqaadey in ay noqon doonta "mid tayo leh" oo ka shaqeyn doonta "samata-bixin doonta dadka iyo dalka Soomaaliyeed".

Sooyaalkiisa waxbarashada

Ka sokow in uu Golaha Shacabka kamid noqdey 28-kii December, 2021, Xamza oo ku dhashay Kismaayo ayaa 2009-kii wuxuu Jaamacada Islaamiga Caalamiga ah ee Malaysia ka qaatay MPA in Management.

Sidoo kale, BA in Management ayuu ka qaatay University of Science and Technology ee ku taala waddanka ay colaaduhu la dageen ee Yemen sanadka markii uu ahaa 2001.

Waaya-aragnimada shaqada

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayuu noqdey intii u dhaxeysay 2019 illaa 2020.

La Taliye Sare Wasaaradda Dastuurka JFS  ayuu ahaa 2015-2019.  La Taliye Arrimaha Maamulka ayuu u noqdey Gudoomiyaha Gobolka Benaadir inti u dhaxeysay 2014-2015.

Xoghayaha xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu magacaabo UPD ayuu ahaa intii u dhaxeysay 2011 illaa 2017.

Waxqabadka dhanka tacliinta

Wuxuu kamid ahaa aas-aasayaasha Jaamacadda Kismaayo isaga oo ka soo qabtay dhowr xil oo kala duwan sida Gudoomiye Ku Xigeenka guud ee Jaamacadda.

Bare Sare ayuu ka noqdey Jaamacadda Muqdisho. Xoghayaha Guud Daladda Waxbarashada FPENS oo kamid ah kuwa ugu waaweyn guud ahaan waddanka ayuu ahaa intii u dhaxeysay 2003-2004.

Ugu dambeyntii, Xamza oo wajahaya Soomaaliya shantii sano lasoo dhaafay qarka u fuushay xukun kalitalis ah waa 48-sano jir inta la og-yahay aan haysan dhalasho kale iyo aabaha sideed caruur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM