Arrimaha ku xeeran ka qeybgalka Farmaajo ee fadhiga guud ee QM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay wuxuu ka qeybgeli doonaa fadhiga guud ee Qaramada Midoobay.

Kulankaasi oo noqonaya midkii 74aad ee Golahaasi ayaa waxa uu qabsoomayaa 17-ka bisha September ee sanadkan 2019, sidda lagu sheegay jadwal kasoo baxay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Xasan, oo xaqiijinta ka qeybgalka madaxweyne Farmaajo ee shir madaxeedkaasi ayaa nan soo bandhigin sababaha uu u seegay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Hadaba, wax ka ogow saddex arrimood oo ku saabsan ka qeybgalka Farmaajo ee fadhiga guud ee UN-ka.

Ajendaha

Shirkaasi oo ah mid sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa isugu imaan doonaa hogaamiyeyaasha wadamada kala duwan ee caalamka.

Madaxda ayaa waxay halkaasi ka jeedin doontaa khudbado kala duwan oo ay uga hadlayaan xaaladaha wadamadooda iyo caalamka.

Ajendaha ugu muhiimsan ee shirka ayaa wuxuu yahay Isbedelka Cimilida, waxayna madaxdu yeelan doontaa kulan ay arrintaasi ku faaqidi doonan.

Madaxweynaha ayaa la filayaa uu halkaasi kusoo qaado; amniga, hadii doorasho qof iyo cod ay ka dhici karto dalka sanadka 2020-ka, musuq-maasuqa iyo dagaalka AlShabaab.

Labadii sano ee lasoo dhaafey

Farmaajo, oo laba sano xafiiska jooga, ayaa waxaa uga qeybgalay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, kaasi oo khudbado kala duwan ka jeediyey.

Balse xagaagan, hogaamiyaha dalka dhaca Geeska Afrika, oo isku deyaya in uu doorkiisa qaato, ayaa wuxuu fursad u heli doonaa in uu la hadlo caalamka.

Warar is-qilaafsan oo jahwareer baahsan abuuray ayaa waxaa kasoo baxayan sababaha keenay in uu madaxweynuhu ka baaqdo labadaasi jeer.

Dib-u-celinta Baasaboorka Mareykanka

Shaacinta ku aadan in uu madaxweynuhu ka qeybgalayo shirka soo aadan ee Golaha Guud ee UN-ka ayaa wuxuu imaanayaa iyadda oo dhowaan Farmaajo uu iska celiyay Baasaboorka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa in muddo ah wuxuu ku noolaa dalkaas tan iyo dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Soomaaliya, kaasi oo haatan laga soo kabanayo.

Sikastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa ah hay’adda ugu weyn caalamka ee maamusha siyaasadaha ku wajahan amniga, nabadda iyo horumarka caalamka oo idil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM