Sadex walaalo oo lagu diley xeebta Liido [SAWIRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU: Weerarkii  lagu qaadey 22 Jan, 2016 makhaayad ku taal xeebta Lido magaalada Muqdishu ayaa dadkii badnaa ee ku dhintey waxaa ku jirey sadex dhalinyaro oo walaalo ah.

Walaalahaan oo makhaayada gudaheeda ku sugnaa markii weerarka qaraxa watey uu dhacayey ayaa kala ahaa wiil iyo labo hablood (Cabdiqani Maxamad Khayre, Niciimo Maxamad Khayre iyo Fardowzo Maxamad Khayre). 

Sadexaan qof ee walalaha AHN ayaa maalinimada Jimcaha 22 Jan, 2016 aas wadareed waxaa loogu sameeyey magaalada Muqdishu.

Weerarka kooxda Al-shabaab mas'uuliyadiisa sheegatey ayaa hadal uu wasiirka amniga dowlada Federaalka saxaafada kula hadley ku sheegey in 20 qof ku dhimatey halka tiro kale dhaawacyo kala duwan kasoo gaarey.

Wasiirka amniga ayaa xusey mid kamid ah kooxdii weerarkaas soo qaadey gacanta ku hayaan dhowana saxaafada u soo bandhigi doonaan.

Dhinaca kale weerarkaan ayaa lagu diley Axmad Cisman Cali oo Afar cisho ka hor ka qalin jabiyey Jaamacada SIMAD ee ku taal magaalada Muqdisho halka xildhibaan ka tirsan maamulka Galmudug ku jirey dadka ku dhintey qaraxyadaan lala beegsadey xeebta Lido.

Xeebta Lido makhaayadaha ku yaal ayaa soo jiita asbuuc walba boqolaal dad ah oo u badan dhalinyaro kuwasoo qaarkood wadanka dibadiisa ka yimadaan halka saraakiisha dowlada Federaalka ku kulmaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM