Sadex walaalo oo lagu diley xeebta Liido [SAWIRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU: Weerarkii  lagu qaadey 22 Jan, 2016 makhaayad ku taal xeebta Lido magaalada Muqdishu ayaa dadkii badnaa ee ku dhintey waxaa ku jirey sadex dhalinyaro oo walaalo ah.

Walaalahaan oo makhaayada gudaheeda ku sugnaa markii weerarka qaraxa watey uu dhacayey ayaa kala ahaa wiil iyo labo hablood (Cabdiqani Maxamad Khayre, Niciimo Maxamad Khayre iyo Fardowzo Maxamad Khayre). 

Sadexaan qof ee walalaha AHN ayaa maalinimada Jimcaha 22 Jan, 2016 aas wadareed waxaa loogu sameeyey magaalada Muqdishu.

Weerarka kooxda Al-shabaab mas'uuliyadiisa sheegatey ayaa hadal uu wasiirka amniga dowlada Federaalka saxaafada kula hadley ku sheegey in 20 qof ku dhimatey halka tiro kale dhaawacyo kala duwan kasoo gaarey.

Wasiirka amniga ayaa xusey mid kamid ah kooxdii weerarkaas soo qaadey gacanta ku hayaan dhowana saxaafada u soo bandhigi doonaan.

Dhinaca kale weerarkaan ayaa lagu diley Axmad Cisman Cali oo Afar cisho ka hor ka qalin jabiyey Jaamacada SIMAD ee ku taal magaalada Muqdisho halka xildhibaan ka tirsan maamulka Galmudug ku jirey dadka ku dhintey qaraxyadaan lala beegsadey xeebta Lido.

Xeebta Lido makhaayadaha ku yaal ayaa soo jiita asbuuc walba boqolaal dad ah oo u badan dhalinyaro kuwasoo qaarkood wadanka dibadiisa ka yimadaan halka saraakiisha dowlada Federaalka ku kulmaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM