Safarada shaqaalaha DF oo xoojiyey walaaca laga qabo Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shir deg-deg ah oo ku saabsan isku-xirka hawlaha ka diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Coronavirus (COVID-19) ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ah ayaa soo qaban-qaabisay kulanka oo lala yeeshay deeq-bixiyeyaasha caalamka.

Xubno ka socda xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Hay'addo Caalami ah ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madasha.

"Shirkaan ayaa daba socdey cudurka Coronavirus ee kusii badanaya caalamka & gaar ahaan xaaladaha kasoo cusboonaaday waddamada deriska," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka.

Ujeedada shirka waa; "In Wasaaraddu ka war bixiso dadaallada socda, In laga wada hadlo caqabadaha jira iyo sidii loga gudbi lahaaiyo In la xoojiyo sidii loo midayn lahaa dadaallada kala duwan ee socda".

Fawziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaraddaas, oo kulanka kadib u warantay warbaahinta, ayaa soo jeedisay in la joojiyo shirarka iyo safaradda dibadda, wallow aysan si xoogan carabka ugu adkeynin.

"Waxyaabaha aan aadka uga walwaleyno waxaa kamid ah safarada ay u badan yihiin shaqaalaha dowladda, oo aad u safra. Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha waxaan la wadaagnay in shaqaalaha dowladda ay ku amarto, kula taliso ama ay u sheegto in safarada aad iyo aad loo dhimo, hadeysan ahayn wax aad iyo aad muhiim u ah, dadweynaha sidoo kale," ayay tibaaxdey.

Dhinacyadda ay la kulmeen ayay cod dheer hoosta ka xariiqdey in ay miiska u saareen qalabka ay u baahan yihiin iyo in ay dalka kusoo geliyaan sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan.

Dalal ay ka carabowday Shiinaha, Talyaaniga iyo Qadar ayay daboolka ka qaadey in ay u balanqaadeen in ay ka taageerayaan qalabka aas-aasiga u ah hadii la xaqiijiyo kiis ku saabsan caabuqa dilaaga ah.

Mar ay soo hadal-qaadey, afar muwaadin oo ka yimid Shiinaha kuwaasoo laga baarayo xanuunkaas ayay xaqiijisay in aysan qabin cudurkaas, isla markaana maalmaha soo aadan ay banaanka u soo bixi doonan.

Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ku nool caalamka ayay ku boorisay in ay dalka kusoo laabtaan si ay qeyb uga noqdaan xaaladan.

Soomaaliya ayaa lagu sheegay mid kamid ah dalalka uu sidda ba'an u saameyn karo Coronvirus hadii uu soo cagodhigto maadaama waddanka uusan lahayn hay'addo caafimaad oo xoogan, loona baahan yahay in lala tacaalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Shiinaha oo markab dagaal usoo diraya Soomaaliya

Shiinaha ayaa waxa uu doonayaa in maraakiibtiisa ay ka hortagaan weerarada dheeraad ah ee la filayo in ay ka yimaadaan burcad badeedda.

  • Soomaliya

    02-11-2024

  • 05:44AM

Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo safar qarsoodi ah ku tagey Muqdisho

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay bishii Oktoobar markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku biiray shir madaxeedkii Asmara.

  • Soomaliya

    01-11-2024

  • 01:54PM