Safiirka cusub ee Mareykanka uu soo gaarey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Danjiraha cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto, ayaa soo gaarey Muqdisho maanta oo Khamiis ah, todobaad kadib saddex Qarax oo lagu dilay ugu yaraan 50 ruux, gudaha magaalo xeebeedka.

Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay imaanshiyaha Yamamoto, xili uu ka dhawaajiyay inuu sii dar-dargelin doono xoojin cilqaadka iyo iskaashiga dowladaha Soomaaliya ee Mareykanka.

“Mareykanka waxa uu ku farax-san yahay inuu ku dhawaaqo imaanshiyaha Danjire Ambassador Donald Y. Yamamoto, si uu u hogaamiyo howlgalka Mareykanka ee dowlada Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Danjire Yamamoto waa mid kamid ah safiiradda ugu waawayn ee Mareykanka u fadhiya Qaarada Afrika, taasi oo tusaale u ah Washington ay muhiimad gaar ah ay siineyso xiriirka kala dhaxeeya Muqdisho.

Mar sii horeysay, Yamamoto, oo ah 65-sano jir, ayaa safiiro kasoo noqday dalka Itoobiya intii udhaxaysay 2006-dii iyo 2009-kii, iyo dalka Jabuuti oo uu ka shaqaynayay intii udhaxaysay 2000-2003.

Imaanshiyaha ayaa kusoo aadaysay xili Mareykanka uu kordhiyay joogitaankiisa ciidan ee Soomaaliya, oo ah dowlad uu caalamku taageero, taasi oo dagaal kala soo horjeeda kooxda Al-Shabaab.

Don Yamamoto oo la magacaabay bishii Julaayo 2018 ayaa xilka ka bedalay Stephen Michael Schwartz, kaasi oo xafiiska joogay tan iyo Julaayo 2016, balse, is-casilay September sanadkii hore, isaga oo sabab ka dhigay arrimo shaqsi.

Mareykanka ayaa dib usoo celiyay howlgalkiisa diblumaasiyadeed ee Soomaaliya sanadkii 2014-kii, taasi oo noqotay markii ugu horeysay muddo ku siman 25-sano markii tobanaan Askar Mareykan ah lagu dilay caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni: Soomaaliya waxay u baahan tahay taageeradii la siiyay Uganda xiligii Idi Amin

Shirweynahan ayaa sidoo kale ka qaybgalay madaxda kale ee Afrika, oo ay ku jiraan Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 01:13PM

Cadaadis Saaran Midowga Afrika Kadib Hubanti la'aan soo wajahday Howlgalka Soomaaliya

In la kordhiyo tirada ciidamada AUSSOM ugu yaraan 8,000 askari si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

  • Soomaliya

    26-04-2025

  • 10:34AM