Safiirka Imaaraadka oo shaaciyey halka ay ku socotay Lacagta la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa ka warbixiyay lacag shalay Ciidamada amaanka dowladda Federaalka ku qabteen Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Safiirka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in lacagta dowladda ay qabatey aysan ahayn mid u socoty Safaaradda, balse ay ahayd mid loo waday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, taasoo lagu bixiyo mushaaradka Ciidamada dalka.

Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa intaasi ku daray in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka warqabtey in lacagta ay usoo socoto Ciidamada Imaaraadka uu ku tababaray magaalada Muqdisho.

Dowladda Imaaraadka ayaa tababar siisay Ciidamo badan oo kuwa dowladda kamid ah iyo kuwa maamullada Puntland iyo Jubbaland oo ay sidoo kale bixiyaan bil kasta mushaarkooda.

Sarkaal katirsan Hay'adaha amniga dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in Safiirka Imaaraadka uu ku sugnaa shalay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho si uu usoo qaado lacagta ay qabteen Ciidamada NISA.

Hadalka Safiirka ayaa yimid kadib war kasoo baxay Wasaaradda Amniga dowladda Federaalka oo ay ku sheegtay inuu socda baaritaan ku aadan halka ay ku socotay lacagta, dadka keenay iyo ujeedka laga lahaa in lagu fuliyo. Halkan ka akhri Warka.
 
Lacagta la qabtey oo ku jirta saddex Boorso ayaa cadadkeeda lagu sheegay $9.6 million [Sagaal Milyan iyo Lix Boqol oo Kun oo Doolarka Mareykanka] waxaana la dhigay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
 
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka dowladda Federaalka iyo Imaaraadka uusan wanaagsanayn wiixii ka dambeeyay go'aanka Xukuumadda ay dhexdhexaadka uga noqotay Khilaafka Khaliijka.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM