Fender: UK ma aqoonsana Somaliland, mowqifkeenu wuu cad yahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Ingiriiska ayaa mar kale caddeysay in Somaliland ay u aqoonsan tahay gobol ka tirsan dalka Soomaaliya.

Danjiraha UK ee Muqdisho ayaa ku adkeysanaya in ictiraaf ay siiyaan Hargeysa ay kaliya imaan karto marka ay ogolaansho ka helaan xukuumada federaalka.

"Britain ma aqoonsana Somaliland ... mowqifkeena waxba iskama bedalin," ayuu yiri Ben Fender, oo u waramay Goobjoog Tv.

Hadalka kasoo yeeray Mr Fender ayaa kusoo aadaya iyada oo 19-ka bishaan la filayo in uu furmo wadahadalka dowlada dhexe iyo Somaliland.

Madaxwayne Muuse Biixi ayaa shaaciyay in wadaxaajoodyada ay ka bilaaban doonaan magaalada Accra, caasimada Ghana.

Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Turkiga oo isku daba ridka shirkaasi la siiyay ayaa u kala dab-qaadi doonan labada dhinac.

"Muqdisho way ka dagaalameysaa in shirkaasi qabsoomo," ayuu Biixi daba dhigay hadalkiisa, inkasta oo wali aysan jawaab ka bixin xukuumada.

Dhanka kale, Fender ayaa todobaadkii hore la kulmay wasiirka arrimaha dibada, Axmed Ciise Cawad, oo ay wadahadalada Somaliland isla soo qaadeen.

Bishii hore ee Febraayo, Mr Cawad ayaa si lamid ah la fariistay wakiilka Turkiga xili wadahadalkooda uu daarnaa arrinta wadaxaajoodka Hargeysa.

Sidda laga soo xigtay illo xog ogaal ah, mab da’ahaan in uu qabsoomo shirka waa la isku raacay, balse goobta uu ka dhacayo ayay dood ka taagneed.

Wali ma cadda hadii dowlada Soomaaliya ay ogolaatay in Ghana uu ka qabsoomo wadahadalka xili Muuse Biixi uu cadeeyay mowqifka maamulkiisa.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaarada arrimaha dibada - midkood - ay war rasmi ah kasoo saaraan arrintaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM