Safiirka Sacuudiga oo kulamo siyaasadeed kawada Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Boqortooyadda Sacuudiga u fadhiya Muqdisho, ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay madaxda sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu kala hadlay arrimo dhowr ah, oo uu kamid yahay xiriirka labada dal.

Dr Maxamed Cabdi-kaani Al-Khayaat, Safiirka Sacuudiga ayaa Sabtidii [December 8] la kulmay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, oo ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada shacab iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha hormarinta.

War kasoo baxay Xafiiska Mursal ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Safiirka kaga mahad celiyay booqashada uu ugu yimid iyo warbixinta uu ka siiyay howlaha hormarinta ee dowladda Sacuudiga ay ka wado Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Safiirka, oo dalka Soomaaliya loo soo magacaabey January 2017 uu sidoo kale la kulmay mas'uuliyiin kale oo dowladda katirsan, waxaana la ogeyn arrimaha gaarka ah ee uu kala hadlay.

Kulamada uu ka wado Muqdisho waxay kusoo beegmayaan xilli Mursal uu laalay go'aankii ku xigeenkiisa Muudey bishii lasoo dhaafay ku kala diray Guddiga Maaliyadda, oo soo bandhigay warbixin musuq-maasuq ku eedeysay Wasiirka Maaliyadda DF.

Warbixinta Guddiga ayaa waxaa ku jirta lacag Sacuudiga ugu deeqay dowladda Federaalka 2017, taasoo 20 milyan oo kamid ah laga waayay miisaaniyadda 2019.

Mar uu Guddiga horkeenay warbixinta Gollaha Shacabka, islamarkaana isku dayay inuu su'aallo ka waydiiyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, isaga ayaaba lakala diray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM