Safiirka Turkiga oo kulamo siyaasadeed kawada Muqdisho [XOG]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar, ayaa wuxuu mudooyinkii dambe uu ka waday magaaladda Muqdisho kulamo siyaasadeed, kuwaasoo uu la yeelanayey madax ka tirsan dowladda Federaalka.

Shirkii ugu dambeeyay waxa uu la yeeshay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, iyo Taliyaha ciidamadda xooga dalka Sareeye Gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen [Gorod].

Illo-wareedyo la socday kulanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online, in Safiirka uu kala hadlay taageeradda arrimo ku saabsan taageerada uu Turkiga siiyo ciidamada Soomaaliya iyo xaaladda Saldhiga Janaraal Gordan ee Imaaraadka uu faarujiyay.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ay ku leedahay Safaaradda Turkiga ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Ankara ay joogteyn doonto taageeradda ciidan Xoogga dalka Soomaaliya, iyadoo usoo marinaysa Wasaaradda Difaaca.

Kulanka dhexmaray mas'uuliyiinta ayaa imaanayaa iyadoo dhawaan Madaxweyne Farmaajo uu booqday Saldhigii Imaaraadka maamuli jiray ee Jeneraal Gordan, halkaasoo uu tababar ugu soo xiray Askar cusub oo kusoo biiray Ciidamada.

Warar ayaa sheegaya in Wasiirka difaaca iyo Taliyaha Ciidamaada ayaa taageero maaliyadeed u raadinaya Saldhiga Gordan, kaasoo hadda lasoo warinayo inay ka jirta baahiyo badan, oo dhanka dhaqaalaha iyo agabka ah.

Turkiga wuxuu hadda gacanta ku hayaan Saldhig wayn oo uu ku leeyahay deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho, kaasi oo ah midka ugu weyn ee uu dalkaasi ku leeyahay Africa.

Dowladda Soomaaliya ayaa xusul duub ugu jirtay tan iyo markii Imaaraadku baneeyey Xeradda Janaraal Gordan sidii ay u heli lahayd dowlad ka saacidda kharashaadka ku baxa Saldhigan, walina waxaa muuqata in aysan helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM